Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:851
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:350
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:772
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:1247
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:456
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 22 2008
Ciidamo Lagu soo Tababaray Dalka Itoobiya oo Soomaaliya Soogarey
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 22 July 2008

Afgooye,(insidesomalia.org)- Qeybtii ugu horeysay Ciidamadii Soomaalida ahaa ee lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya ayaa waxay saaka soo gaartay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan oo ay la socdaan Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa waxay ka soo amba baxeen Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, halkaasi oo ay ku soo nasteen waqti kooban kadib markii laga keenay Dalka Itoobiya.

Labo jeer ayaa waxaa Ciidamadaas weerar ku qaaday Xoogagga Al-Shabaab mar ay socdeen duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay iyo mar kale oo ay socdeen inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq biriweyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamadan ayaa markii ay soo gaareen Degmada Afgooye waxaa cabsi la soo deristay dadka Degmadaas ku dhaqan, kuwaasi oo qaarkood ay goobahoodii ganacsiga xireen, halka kuwo kalena ay isaga fogaadeen Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Degmada Afgooye.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadan ay u muuqdaan kuwo ka sii gudbaya Degmada Afgooye, isla markaana u jeeda dhinaca Magaalada Muqdisho oo loo maleynayo in ay tahay halka ugu dambeysa ee ay u socdaan.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray gudaha Dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay Dadka Soomaaliyeed qaarkood ugu yeeraan Ciidamada Copyga, taasi oo ay ula jeedaan in ay u howlgalaan sida Ciidamada Itoobiya.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >